Madaxweynaha Puntland oo daahfuray sanad Dugsiyeedka Jaamacadda Global Science University(Masawiro)

September 5, 2015 - Written by Editor

IMG_4745Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-9-2015 daahfuray Sanad Dugsiyeedka 2015/2016 ee Jaamacadda Global Science University ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Ka hor inta uusan madaxweynuhu daahfurin xafladda ayuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay cisbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi uu warbixin kaga dhagaystay maamulka cisbitaalkaasi , isagoona dhammaan booqday bukaanada kujira cisbitaalka GMC .

Xafladda Daahfurka Sanad Dugsiyeedka Jaamacadda Global Science University waxaa sidoo kale goob joog ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo , Waxgarad, Aqoonyahan , Ardey iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeyb-galka munaasibadda, waxaana uu ardeyda u rajeeyey mustaqbal wanaagsan oo ifaya .

‘’ Dalka markii ay dadkiisu waxbartaan ayuu gaaraa horumar, marka waa in aynu ku dadaalno waxbarista dadkeena , qof keli ahna ma qaadi karo mas’uuliyadaas ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

no images were found

‘’ Jaamacadaheena dalka inaynu tayeynu ayaa laynaga rabaa , oo qofka ka soo baxaya uu noqdo qof leh shahaadada uu wato aqoonteeda , macanaheeduna waxa weeye qofka soo galayana jaamacadda in uu noqdo qof la hubo waxbarashadiisa ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxa Gaalkacyo Medical Center Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Dhagacadde ayaa Madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf uu ku mutaystay dadaalka uu ugu jiro kor uqaadista waxbarashada iyo horumarinta dalka .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online