Madaxweynaha Puntland oo Digreeto ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal

September 16, 2015 - Written by Editor

faraweyneGaroowe:- Digreeto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa Gudoomiyaha gobalka Nugaal waxaaa looga magacaabay Jen Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraweyne oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Afhayeenka dowlada Puntland C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel ayaa saxaafada u aqriyey digreetada lagu magacabay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal.

Madaxweynaha Puntlad ayaa sidoo kale u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi oo ahaa Xoghayihii Dowlada Hoose ee Dagmada Garoowe .

Isla galabta ayaa waxaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Wafdi uu hogaaminayo Gudomiyaha cusub ee gobolka Nugal Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraweyne waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.

Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraweyne ayaa markii uu soo gaaaray Garoowe la hadlay saxaafadda wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay isaga oo balan qaaday in uu wax weyn ka qaban doono gobalka Nugaal.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online