Madaxweynaha S/land oo ku Dhawaaqay xilliga doorashooyinka Somaliland (Akhriso)

September 10, 2015 - Written by Editor

siilaanyoHargeyso:-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku goor dhow ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah oo ay doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada somaliland ka dhici doonaan deegaanada S/land.

Xafiiska Madaxtooyada ee S/land ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeed kaas ooo lagu qeexayo xiliga doorashada ay ka dhici doonto Somaliland.

Warsaxaafadeedka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Halgan.net ayaa waxaa uu u qornaa sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha.

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay: Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015
Markuu Ku Qancay: In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo Saaray;
Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online