Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay xaflad loo qabtay arday ka qalin jabisey Jaamacadda Barika Afrika ee Gaalkacyo.[Masawiro]

September 18, 2015 - Written by Editor

IMG_6740Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-9-2015 ka qeyb-galay xafladd ay ku qalin-jebinayeen arday wax kabaratay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda magaalada Gaalkacyo , waxaana ay ka koobnaayen ardaydaasi todobo, qeybood oo tiradoodu dhantahay 120-arday oo isugu jira rag iyo dumar.

Munaasibadda waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug, Maamulka jaamacadda Bariga Afrika, Waxgarad, waalidiin, aqoonyahano, masuuliyiin kala duwan ,ardeyda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda Barika Afrika oo uu sheegay inuu kala qeyb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen maanta, waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan dedaalka waxbarsho ee ay wadaan si ay dalka iyo dadkaba ugaga faa’iideeyaan waxa ay barteen.

” Runtii waxaa farxad ii ah inaan ka soo qeyb-galo xafladd ah qelin-jebin isuguna jirta farxad iyo dhamaystir waxbarashada qeybteed, marka maalintaan taariikhiga ah ee nololshiina maalmaha ugu wanaagsan kamid ah inaan idinkala soo qeyb-galno aad iyo aad baan ugu faraxsanahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ardayda qalin-jabisay maanta ay u badan yihiin arday shaqeysa, ardayda kale ee aan iyana haysan shaqada ayuu Madaxweynuhu u rajeeyey inay helaan shaqooyin wanaagsan si ay uga mira dhaliyaan waxbarashadooda.

Ardayda qalinjebisay ayuu Madaxweynuhu ku booriyey inaysa dalkooda ka tahriibin, waxana uu ku dhiirigeliyey inay dalkooda iimaansadaan ugana faa’iideeyaan dadkooda iyo dalkooda aqoonta ay barteen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey dhammaan ardayda qalinjabisay.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online