Madaxweyne Gaas oo kormeeray Suuqa xera dayax iyo goobo ay a socoto shaqo oo ku yaal Gaalkacyo.[Masawiro]

September 17, 2015 - Written by Editor

IMG_6293Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-9-2015 kormeeray suuqa xera dayax , wadooyinka qorsheynta magaalada ee u dhaxeeya taar city iyo kantaroolka oo ay shaqo ka socoto.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa kormeeray suuqa xera dayax oo ay dawladdu dejisay dhammaan ganacsatadii ku ganacsan jirtay xarunta Bankigii hore ee Dawladda oo la baneeyey , waxaana loo dejiyey ganacsatadaasi qaab nidaamsan oo indhahaaga soo jiidanaya.

Ganacsatadii iyo shacabkii halkaasi ku sugnaa oo watay calanka Puntland iyo caleemo qoyan ayaa madaxweynaha u soo dhaweeyey si weyn , waxaana ay ku faraxasanaayeen in Dawladda halkaasi dejiso, isalamarkaana ganacsigoodu uusan hakad gelin.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sidoo kale gudaha u galay suuqa xera dayax gaar ahaan qeybta qudaarta , halkaasina waxaa ku soo dhaweeyey haweenka iibiya qudaarta iyo weliba shacabkii ka ganacsanayey suuqaasi oo ah mid baaxad weyn.

Halkaas ayuu Madaxweynuhu socod dheer uga gudbay xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu indha indheeyey bilowga dhismaha xaruntaasi oo si habsami leh u socda .

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu soo kormeeray wadooyinka qorsheynta magaalada ee u dhaxeeya taar city iyo kantaroolka oo ay shaqo ka socoto, islamarkaana ay ku sugan yihiin ingineerada wadooyinkaasi iyo shaqaalaha ka howlgalaya.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online