Magaalada Leicester,UK oo si weyn looga ciiday.[Cod/Masawiro]
September 24, 2015 - Written by EditorLeicester:-Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuul keenii Mohamamed ayeey korkiisa ahaatay intaas ka dib waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Leicester oo ka mid ah magaalooyinka ku yaala gobollada la isku yiraahdo Midland, gaar ahaan East Midland waxaan ku nool magaalada Leicester qoysas badan oo Soomaali ah.
Magaalada Leicester ee dalka Ingriiska ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyina ay ku nool yihiin dadka Muslimiinta ah waxaan ku yaal Masaajiddo aad u fara badan oo ay leeyhiin jaaliyaadka Muslinka ah ee kala ah Soomaali India, Pakistan Bangaladesh.
Haddaba maanta oo aheyd maalintii Ciidul adxaa waxaa guud ahaan magaalada Leicester laga dareemayey dabaaldeg aad u weyn oo ay dadka muslimiinta ah ay ku ciidayeen si ay farxadi ku dheehan tahay, iyadoo masaajidyada iyo goobihii kale ee lagu tukaday ay aad iyo aad u buux dhaafeen.
Masjidka Ibnu Cutheymiin oo ka mid ah Masaajidda ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool Leicester ayaa saaka Salaadii Ciida si weyn looga soo qayb galay iyadoo la arkayey dumar , Caruur , dhalinyaro iyo odayaal ku soo qulqulayey Masjidka si ay u tukadaan Salaada Ciida.
Inta aan Salaada Ciidu bilaaban ayaa waxaa Masjidka Ibnu Cutheymiin dadkii soo xaadiray waxaa ay akhrinayeen Takbiiraadka halka howlwadeenada Masjidka Ibnu Cutheymiin qaar koodna ay soo dhaaweynayeen dadweyaha soo galayey Masjidka.
Imaamka iyo Khadhiibka Masjidka Ibnu Cutheymiin Sh Maxamed Salaad ayaa markii ay saacadu ahayd 9:15 waxaa uu dad weynaha tujiyey Salaadii Ciida ka dibna waxaa uu jeediyey Khudbo aad u qiimo badan oo uu Sheekhu kaga hadlay weynaanta maalinta ciida iyo waxyaabaha looga baahan yahay dadka Muslimiinta isagoo Sheekhu uu ka digay in dadka Muslinka ah
is dileen ama ay xoolaha iska dhacaan.
Sh Maxamed Maxamed Salaad ayaa waxaa uu dadweynaha ku tirtirsiiyey in ayaamahaan fadliga badan laga faa’iidaysto oo la badiyey cibaada iyo Sadaqada , lagu dadaalo tarbiyada caruurta , lagu dhaqmo diinta rag iyo dumarba isagoo Sheekhu si gaar ah dumarka ugu baaqay in ay xirtaan Xijaabka una dadaalaan Salaada iyo Zakadda.
Gabagabadii ayaa waxaa la arkayey waddooyinka waaweyn ee magaalada Leicester dad badan oo Soomaali iyo muslimiin ah oo raxan raxan u socda kuna labisan dhar aad iyo aad u qurxoon iyagoo laga dareemayey shacaa’irta Islaamka.
no images were found
Hoos ka Dhagayso Khudbadii ciida ee Masjid Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester,Uk Sh Maxamed Salaad
[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/cidleicseter.mp3]Halgan.net