Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw Libaax oo gaaray magaalada Kismaayo (Daawo)

September 10, 2015 - Written by Editor

5Kismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xaunta Gobalka J/Hoose Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw Libaax oo ah siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Gedo oo si weyn uga soo horjeeday Maamulka J/land oo uu madaxa u yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Wafdiga siyaasiyiinta ee ka yimid gobalka Gedo ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Gen Fartaag iyo Macalin Maxamed oo ah Wasiirka hore ee arrimaha bulshada ee Maamulka J/land.

Wafiga gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha J/land Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe  waxaana ay ka wada hadli doonaan arimaha J/land .

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta markii uu soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in ay Kismaayo u yimaadeen in ay garan istaagaan Maamulka J/land wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay taageersan yihiin Maamulka gobalka Gedo ay u soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta markii uu gaaray magaalada Kismaayo

Cabdi Yare
Kismaayo
Jubbalandmedia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online