Mowqifka dowladda Puntland ee shirka wadatashiga qaran ee geeddi socodka doorashada 2016

September 21, 2015 - Written by Editor

plGaroowe:-Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka. Puntland waxay si rasmi ah uga soo qayb qashay shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2016 ee ka furmay Muqdisho 19 Sept, 2016.

Daahfurkii shirka  waxaa ka hadley Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna u sheegay madaxda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Puntland  ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadasha hiigisga doorashooyinka 2016. Madaxweynuhu wuxuu  khudbadiisa ku sheegay in ay jirto arrimo badan oo Puntland aysan raali ka aheyn isla markaasna ay doonayso in la saxo inta ka horaysa gudagalka hannaanka geedi socodka doorashada 2016. Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay ummadda Soomaaliyeed u noqdaan dhex-dhexaad.

Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo DFS inay  caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen shirka taasoo ay DFS ay ku guuldaraysatay. Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka  maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka  loo sixi lahaa.

Dawladda Puntlad waxay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida asaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka dooroshada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada.

 

Dhammaad.

Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel)

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online