Mu’asasada Al-minhaaj oo xaflad soo dhawayn ah u qabtay Dr Maxamuud Sh Cusmaan oo qaatey shahaadada PHD

September 11, 2015 - Written by Editor

IMG_1441Boosaaso:-Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa xaflad heer sare oo soo dhoweyn ah u qabtay Dr Maxamuud Sh Cusmaan Maxamed oo shahaadada PHD Qaybta shareecada ka qaatay jaamacada Al-Qur’aaan ee dalka Sudan. Xafladaan oo ka dhacday hoolka xafladaha ee Hotel Jubba ayaa waxa ka soo qayb galay dad badan oo isugu jira culimo, masuuliyiin ka socday jaamacada bariga afrika iyo Mu’asasada al-minhaaj , iyo arday .

Waxaa ugu horreyntii Xaflada Furitaankeeda kalimaad wacdi ah ka soo jeediyay Sheekh C/raxmaan Bukhaari, isagoo aad ugu dheeraaday alla ka cabsiga. Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Sh Faarax Maxamed Cajab Gudoomiyaha Mu’asasada al-minhaaj Qaybta Gobolka Bari oo ugu horayn ka hadlay u jeedka xafladaan loo qabtay.

Sh Faarax ayaa sheegay in xafladaan ula jeedkeedu yahay in lagu soo dhaweeyo , looguna hambalyeeyo Dr maxamuud Sh Cusmaan oo qaatay shahaadada PHD Qaybta shareecada.

Intay xaflada socotay ayaa waxa hadalo kala duwan oo dardaaran iyo bogaadin isugu jira madasha kasoo jeediyay culimo, iyo masuuliyiin aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen, Sh Maxamed Macalin Axmed, Sh Axmed Daahir Xasan, Sh Axmed maxamed siciid (Sh Faarax Gacamay) Gudoomiyaha Xafiiska Aqbalaada Jaamacada Bariga Afrika, Dr Axmed Xasan.

Sidoo kale waxaa gabay carabi ah oo soo dhawayn ah intay xaflada socotay halkaas kasoo jeediyay , gabyaaga da’da yar Cumar Dr C/qaadir Maxamed C/dalla.

Intaa ka dib waxa Hadalka qaatay  Dr Maxamuud Sh Cusmaan, wuxuuna ugu horreyntii u mahadceliyay dhammaan inta ka soo qayb gashay Xafladan iyo Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj oo soo qaban qabiyay xafladaan. Dr Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay walaalihiisa soo dhaweeyay, xafladaan aadka u quruxda badana ku maamuusay, isagoo allaah uga baryay inuu ka ajar siiyo .

Gudoomiyaha Guud ee Mu’asasada Al-minhaaj puntland Sh Maxamed C/laahi C/dule oo ugu dambayn xaflada soo xiray ayaa halkaas kasoo jeediyay hadalo isugu jira bogaadin iyo hambalyo uu usoo jeediyay Dr Maxamuud Sh Cusmaan Darajadaas Sare ee uu gaaray, isagoo allana uga baryay in ay darajadaas uu Dr Maxamuud gaaray u noqoto mid uu diintiisa iyo dalkiisa ku anfaco.

no images were found

Mu’asasada Al-Minhaaj

Boosaaso, Somalia

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online