Mutamar Islaami ah oo ka dhacay magaalada Leicester.[Masawiro]

September 5, 2015 - Written by Editor

shbashiir1Leicester:-Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Leicester Mutamarkii koowaad oo Islaami ah oo ay soo qaban qaabisay Mu’ssadda Irshaad waxaaana Mutamarka ka soo qayb galay gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh.Dr Bashiir Axmed Salaad oo ka yimid dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh. Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa soo gaaray magaalada Leicester isagoo Khudbadii Jimce ka jeediyey Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester , Sh. Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa intii uu ku sugnaa magaalada Leicester waxaa uu kulan casho ah la qaatay masuuliyiinta Masaajidda Soomaaliyeed ee ku yaal magaalada Leicester isagoo siiyey warbixin kooban oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh. Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa waano wax ku ool ah u jeediyey ducaadii ka soo qayb gashay kulanka isagoo kula dardaarmay in ay dacwada dar dar geliyeen kana dheeraadaan afkaarta gurac ee lagu marin habaabiyo dhalin yarad.

Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh. Dr Bashiir Axmed Salaad iyo culimadii kale ee ka qayb gashay Mutamarka ayaa waxaa ay casho sharaf u sameeyey ducaada Masjidka Ibnu Cutheymiin oo iyagu qayb libaax maanta ka qaatay qabsoomida iyo agaasimka Mutamarkaan Islaamiga ah waxaan ay caawa si wada jir ah u sagootiyeen culimada.

Dhinac kale waxaa xusid mudan in dadweynaha Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada Leicester ay si weyn uga soo qayb galeen Mutamarka iyagoo dhagaystay dhamaan muxaadaraadka culimada ay jeediyeen waxaan mutamarka uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Culimada ka qayb gashay Mutamarka Islaamiga ah ee ka dhacay magaalada Leicester ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Sh.Dr. Bashir Axmed Salaad Somalia

2. Sh Dr. Cismaan Cali Faarax Uk

3. Shiikh Siciid Raaage Canada

no images were found

Muxaadaraadka culimada ay ka jeediyeen Mutamarka islaamiga ee magaalada Leicester oo dhamaystiran dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha allaahu.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online