Muxaadaraadkii ay Sh Maxamed Ciise iyo Sh.Dr Haaruun ka jeediyeen Masjidka Al-falaax ee Kuala Lumpur.[Daawo]

September 12, 2015 - Written by Editor

IMG-20150912-WA0010Kuala Lumpur:-Masjidka lagu magacaabo Al-Falaax ee ku yaala Malaysia gaar ahaan caasimada Kuala Lumpur lagu qabtay Muxaadaro ay si wadajir ay u soo wada jeediyeen Culimada kala ah Sheekh. Maxamed Ciise oo Inooga yimid wadanka Saudi Arabiya gaar ahaan Magalada barakeeysan ee Madiinatul Munawarah Iyo weliba Sh.Dr Haaruun Sh. Xassan 2-da Sheekh ayaa ka kala hadlay Labo Mawduuc oo aad u qima badan.

Sh.Maxamed Ciise ayaa wuxuu Kaga hadlay Muxaadaradiisa weynida Salaada sidda aynu u dayacno Inaga maanta Iyo Alle swc sidda uu u weyneyd Salaada Sheekha ayaan Adilo fara badan Qur’aanka Iyo Axaadistaba Soo Arooriyay si aad u qiima badan ayuu u kala dhig dhigay wuxuuna Shacabka Soomaliyeed ee soo Xaadiray Iyo kuwan Dhageysan doono muxaadaradiisa kula dardaarmay in Salaada La Ilaaliyo Laguna Ilaaliyo waqtida waa Salaadaha Waajibka ah wuxuuna kula dardaarmay In aan laga tegin Sunooyinka Salaadaha a horeeya ama ka dambeeya.

Hoos ka Daawo muxaadaradii Sh Maxamed Ciise uu uga hadlay Salaada

Sh Dr Haaruun Sh.Xuseen oo isagana lagu wareejiyey Micrifoonka ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uga hadlay Fadliga 10-ka Maalin ee Carafa ee Inagu soo fool leh. Sh.Dr Haaruun Sh Xuseen ayaa ku dheeraaday kalimadiisa Qiimaha badan wuxuuna shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan kala dardaarmay lagu dadaalo 10 maalin ee aadka u Fadliga badan ee Alle Sw uu ku dhaartay ahna maalmo aad u weyn oo qiimo badan.

Sh Dr Haaruun Sh.Xuseen ayaa xusay in 10 maalmood ay ku jirto maalinta Carafa Ama ( sagaaladka ay u yaqaanaan Somalida ay Tahay Maalin aad u qimo badan qofkii Alle Scw Waafajiyo oo Sooma Cibaadana la Yimaado Sax ah In lagu dhaafayo DAMBIYADADA Sanadkii Tegay Iyo sanadka soo Socdo.

Hoos ka Daawo muxaadaradii Fadliga 10 hore ee Bisha Carafa Dr. Sh DLIGA 10 HORE BISHA CARAFA DR SH HAARUUN SH XUSEN

Yasin Axmed
Kuala Lumpur

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online