Ra’iisal Wasaaraha DFS oo gaaray Kismaayo iyo Madaxweynaha oo la sugayo

September 12, 2015 - Written by Editor

Breaking-NewsKismaayo:-Waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose qabanqaabada xaflada Cleema saarka ee Madaxweynaha Maamulka J/land Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Wafuud kala duwan oo ka socota beesha Caalamka ,maamulada dalka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS , siyaasiyiin, iyo marti sharaf kale ayaa haatan ku sugan magaalada Kismaayo,

Amaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa aad loo adkeeyey waxaana la xiray dhamaan wadooyinka soo gala xarunta Madaxtooyada Kismaayo. iyo goobaha muhiimka ah,

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Kismaayo madaxda maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo gaaray magaalada Kismaayo wasiirka arrimaha dibada dowlada Ethiopia Dr Tedros Adhanom iyo safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Ergayga gaarka ee QM u fadhiya Soomaaliya danjire Nicholas Kay.

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaalia ,iyo Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa haatan la sugayaa in ay soo gaaraan magaalada Kismayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online