Ra’iisul-wasaaraha DFS oo casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Puntland Dr Gaas.[Masawiro]

September 20, 2015 - Written by Editor

IMG_7355Muqdisho:-Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-9-2015 qado sharaf hoygiisa magaalada Muqdisho ugu sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qada sharafta uu sameeyey Raysal-waasruhu waxaa sidookale lagu casumay Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nicholos Kay , Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Raysal-wasaare Cumar uga mahadceliyey qado sharafta uu ku casumay iyo sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, waxaana ay iska xog waraysteen xaaladda guud ee dalka .

Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa isna dhankiisa ku amaanay Madaxweyne Gaas dadaalada horumarineed ee uu kawado Puntland iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya , maadama ay ka go’antahay in dalku horumaro helana Dawladda dhamaystiran.

Madaxweyne Gaas iyo wefdiga balaaran ee  uu hogaaminayo ayaa Muqdisho u yimi sidii ay uga  qeyb-geli lahaayeen shirka wada tashiga , waxayna Puntland uga qeyb-galaysaa shirkaasi sidii ay u soo gudbin laheyd aragtideeda ku aadan wada tashiga qaran ee dorashooyinka la rabo in ay dhacaan 2016-ka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online