Shirweynihii Saddexaad ee DFS iyo Maamulada Oo ka socda Kismaayo

September 13, 2015 - Written by Editor

shirKismaayo :-Waxaa ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose shir albaabada u xiran yihiin kaas oo u dhexeeya Madaxda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo beesha caalamka.

Shirweynaha saddexaad ee wadatashiga dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulada ee ka socda maanta magaalada Kismaayo ayaa ah wajigii 3aaad iyada oo wajigii kowaad iyo labaad wuxuu ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Shirka ka socda kismaayo ayaa waxaa looga hadlayaa hiigsiga 2016 waxaana goobjoog ka ah Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud Ra’isalwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan, Ergayga Qaramada Midoobey Nicklos Key, Wasiirka arimaha dibada Ethiopia iyo madax kale oo ka socota beesha caalamka

Saxaafada ayaa weli banaanka ka joogta shirka waxaana la wada dhowrayaa wax ka soo baxa shirka wadatashiga wajigiisa 3aad oo ka socda magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online