Sidee looga Ciiday Magaalada Edmonton ee dalka Canada (Masawiro)

September 27, 2015 - Written by Editor

DSC_0135Edmonton:-“Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar laa Ilaaha Illalaahu allaahu Akbar walillaahi xamdu”. “Alaaahu akbar kabiiraa Wal xamdu lillaahi Kathiiraa Wa subxaana llaahi Bukratan Wa asiilaa”waa erayadii ay kutakbiirsanayeen kumanaan Muslimiin ah oo isu soo baxay si ay u tukadaan salaada ciidda Carafo(Eid-ul-Adha) ee magalaada Edmonton ee dalka Canada.

Maalintii Khamiista 24-ka September,2015 ayey dadka Muslimiinta ahi waxay isugu soo baxeen meeshi ay ku tukan lahaayeen Salaaddi Ciidda oo ku taallay downtown-ka magaalada Edmonton oo la yiraahdo Shaw Conference Centre. Muuqaalka guud ayaa ahaa mid bilicsan oo qof kastaa soo xidhay dharka kiisa ugu quruxda badnaa iyadoo wejiyadoodana ay ka muuqanaysay farxad iyo rayrayn isugana bishaaraynayey midba mid ka kale “ciid mubaarak”.

Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa isku soo dubbariday masjidka weyn ee Saxaaba(Sahaba Mosque). Dhalinyaro mashaAllah mutadawiciin ah ayaa si wanaagsan uga shaqaynayey siiba xaga parkingka iyo gudaha Hall-kaba oo gabdho iyo Wiilalba leh,Jazahumullahu Khayran.

Inta aan Salaadda la tukan kahor ayaa wuxuu Sheekh Ciise Maxamuud oo ahaa Xiriiriyaha(MC) munaasabadda uu stage-ka soo saaray nin caddaan Kanadiyaan ah oo la yiraahdo Ryan oo waa Allah mahaddiise ku qancay in uu diinta Islaamka qaato oo dadka hortooda loogu qabtay Shahaadada, aad iyo aad baa arrinkaas loogu farxay loona marxabbeeyay walaalkeenna cusub ee community-ga Islaamka ku soo biiray.

no images were found

Kaddib Markii Salaadda Ciidda la tukaday waxaa Khutbadi Ciidda halkaas kasoo jeediyay Imaamka Masjidka Sahaba Sheekh CabdulQaadir,khutbadaas oo ka hadlaysay mawaadiic aad u khuseeyo dadka muslimiinta ah guud ahaan iyo gaar ahaan munaasabadda Ciiddaan Weyn ee Carafo.

Taqabalallahu Minnaa Waminkum Saalixal Acmaal

Ciid Mubaarak / Ciid Wanaagsan

Maamulka Masjidka Sahaba
Edmonton, Canada ,
info@sahabamosque.com ,
www.sahabamosque.com

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online