Taliyaha ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Dheere oo ugu baaqay Madaxda Puntland in mushaarka ciidanka ay bixiyaan.[Dhagayso]
September 27, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha ciidamada Puntland Sareeye Guuto Gen.Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere) ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxaa uu sheegey in aan laga aamusnaan karin mushahar la’aanta ragaadisey ciidamada Darwiishta iyo Booliska Puntland.
Gen.Siciid Dheere oo markii ugu horeysay ka hadley mushahr la’aanta ciidamada Puntland ayaa ku tilmaamey iney tahay waxaan loo dulqaadin karin in madaxda dowlada tiraahdo in ciidamada xaqooda ma maqna balse uusan arrinku sida kale yahay.
Taliye Siciid Dheere yaa sheegey inuu xilkaan uu iska casilayo hadaan si deg deg ah wax looga qaban mushahar la’aanta haysata ciidamada Puntland. Hadalka taliyaha ayaa yimdi maalmo ka dib markii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas diidey ineysan jirin mushahar ka maqan ciidamada Puntland isaga oo shegeey in kuwa gadoodka sameeyey maalmihii laoso dhaafey dowlada la xisaab tami doonto.
[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Gen-Saciid-Dheere.mp3]Source:Radio Daljir