Waa Sidee Maanta Xaaladda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ?

September 10, 2015 - Written by Editor

cwaaqCaabudwaaq:-Xaaladda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta degan kadib laba maalmood oo ay ku dagaalameeyn maleeshiyo kala taabsacsan Ahlu-Sunna iyo Wasiirka ganacsiga Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame.

Dagaalladaas waxa ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan oo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada isku haya magaalada, waxaana dhinacba dhinaca kale uu ku eedeeyey mas’uuliyadda dagaalka.

Degmada waxaa iminka gacanta ka haya maleeshiyo raacsan wasiirka ganacsiga Galmudug, kuwa Ahlu-Sunna-na waxa ay ku sugan yihiin dibedda Caabudwaaq.

Si kastaba, waxaa weli jira cabsi ku saabsna in mar kale dagaal uu ku dhaco magaalada, oo maleeshiyada Ahlu-Sunna ay soo rogaal celiyaan.

Haddaba xaaladda magaalada, ayaa weriyaheena Axmed Cali Sheekh waxa uu ka wareysatay Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame oo ah wasiirka ganacsiga Galmudug, kuna sugan gudaha magaalada.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online