Wafdi Culuma ah oo ka tirsan Al-Bayaan oo socdaal dacwo ku maraya Cape-Town (Masawiro)
September 9, 2015 - Written by EditorCape Town:-Waxaa maalintii arbacada oo bisha ay ahayd 02/09/2015 gaaray magaalada CAPETOWN ee koonfur afrika wafdi culimo ah oo ka tirsan majliska al-bayaan gaar ahaan gudiga dacwada ee gobolka gauteng, wafdigaa oo ka koobnaa sheekh maxamed aadan abdile iyo sheekh qaasim cabdi hayaan, ayaa waxaa ujeedadooda safarka ahayd in ay barnaamij dacwi ah ay ku soo qabtaan magaalada capetown gaar ahaan jaaliyada soomaalida ee capetown oo ah jaaliyada labaad ee ugu balaaran soomaalida koofur afrika.
waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha sheekh maxamuud adar oo ah gudoomiyaha majliska al-bayaan ee WESTERN CAPE, isla maalintii arbacadiiba bacdal maqribna waxay bilaabeen culimada barnaamijtoodii dacwiga ahaa oo ay ugu horaysay muxaadaro masjidka SUNAH ee jaaliyada soomaalida ay ku tukadaan oo ay gacanta ku haayaan MAJLISKA AL-BAYAAN.
Isla maalintii khamiista oo ahayd bisha 03/09/2015 waxay culimada muxaadaro u galeen dumarka muxaadaradaa oo lagu qabtay isla masjidka SUNAH, intaa ka dib wafdiga waxay kulan balaaran la yeesheen gudiga dacwada ee CAPETOWN oo ka kooban culimo, ducaad, iyo macalimiin, kulankaa oo lagau kala qaatay warbixinta dacwada koonfur afrika iyo si gaar ah waxaa warbixin looga dhagaystay sheekh maxamed aadan abdille oo dhawaan dalkii ka soo laabtay oo bixiyay warbixintii dacwada iyo xaalka ay maraysay dacwadii dalkii soomaaliya, warbixintaa oo faahfaahsan ka dib waxay gudigii dacwada su,aalo waydiiyeen sheekh maxamed ku saabsan xaalkii dalka ayadoo uu u soo koobay sheekha xaalka dalka ku suganyahay guud ahaan si gaar ah dacwada iyo tacliimta.
waxaa kaloo ay wafdiga culimada ay la kulmeen dhalinyarada magaalada capetown ee soomaalida gaar ahaan dhalinyarada dacwada, kulankaa oo ay ka soo qayb-galeen ilaa 20 dhalinyaro oo ka shaqeeya dacwada ayaa sidoo kale waxaa ay dhalinyarada ka dhagaysteen culimada warbixnta dacwada koonfur afrika iyo warbixntii dacwada ee soomaaliya iyo ayadoo dhalinyaradana ay sheegeen in ay heegan u yihiin in ay buuxin doonaan kaalmaha laga doonaayo oo ah in dacwada la dardargeliyo, kulankaa oo dhalinyaradu si wayn ugu farxeen macluumaadka ay ka faa,iideen ayaa waxaa halkaa lagu gudoonsaday in si wada jir looga shaqeeyo dacwada meeshii la joogaba koonfur afrika iyo dalkiiba.
wafdigii culimada ayaa sidoo kale khudbadii jimcada iyo tacliiqiiba dadka kula hadlay masjidka sunah oo si wayn loo soo buux dhaafiyay, ayadoo khudbada iyo tacliiqaba ku saabsanaayeen xaalka muslimiinta caalamka marayaan xiligan iyo in ay u baahantahay sabar iyo dulqaad iyo allah in la talo saarto lagana shaqeeyo xaalkaan qalafsan sidii looga bixi lahaa, culimada waxay si gaar ah u soo qaateen walaalaha suuriya iyo dhibka ay ku sugan yihiin maalmahan iyo in lagama maarmaan tahay in walaalahaa loo kaalmeeyo sida duco, iyo si kaste oo suurtagal ah oo mucaawino lagu gaarsiin karo.
no images were found
ugu danbaystii waxay dib ugu soo laabteen wafdigii culimada ahaa magaalada johannesburg maalintii axada oo bishana ay ahayd 06/09/2015
HALGAN.NET, JOHANNESBURG
SOUTH AFRIKA