Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo maanta gaaray Degmada Ceelbuur (Masawiro)

September 5, 2015 - Written by Editor

Ceelbuur:-Wasiirka Gaashaandhigga Somaaliya Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali Diini, oo ay wehliyaan Wasiiru dawlaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale, Xildhibaannno tirsan baarlaamanka Federaalka ah, Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, xubno ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha AMISOM  ayaa maanta gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasoo ah magaalo taariikh weyn leh, isla markaana ay muddooyinkii ugu danbeeyey go’doomiyeen kooxaha nabadda diidan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wafdiga la socday ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM, iyagoo  kulan la qaatay saraakiisha ciidamada, kaa oo looga hadlayay xaaldaha amaanka, nolosha dadka iyo guud ahaan sidii loo horumarin lahaa.

Degmada Ceelbuur oo mudo labo sanno ah gacantooda ka maqan Argagaxisada Al-Shabaab ayaa dadkii ku noolaa waxay ku suganyihiin meel duleedka ka ah kaddib markii ay Al-Shabaab ceelasha biyaha kala baxeen Bamkii biyaha kasoo saarayay, taasina ay keentay in dadku ay aadaan goobo ay biyo nadiif ah ka helaan.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu ka shaqayn doono sidii deegaanka u heli lahaa adeegyada muhiimka ah, isagoo balan qaaday in si deg deg ah loo howl-gelin doono  matoorkii Biyaha siin jiray magaalada. AMISOM iyo Dawladduna wadajir uga shaqayn doonaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dadkii magaalada isaga cararay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Ceelbuur ay tahay magaalo leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, haddana lagu dadaali doono sidii loo soo celin lahaa wax soo saarka degmada. Wasiirku  wuxuu mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in dhallinyarada Shabaab xubnaha ka ah, hadday ka tanaasulaan fikirkas cafinayo dib laguu abuuri doono nolol anfacda.

no images were found

“Ceelbuur waa magaalo taariikh weyn leh isla-markaana ay ku yaalaan goobo dhisnaa ku dhawaad 100 sanadood waxeyse xiligan u baahantahay in wax badan ay u qabtaan dadkeedu. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in shacabka Ceelbuur ay  nabad ku noolaadaan isla markaana helaan nolol lamid ah mida ay haystaan deegaanada kale, waxaan idiin sheegayaa in  dhawaan deegaanka la keeni doono Ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan sugidda nabad galyada kuwii hore ee joogayna la tayayn doono.” ayuu yiri  Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ku sugan yihiin shacabka Ceelbuur, wuxuna baaq u direy Hay’adaha Caalamka iyo dadka deegaanka ka soo jeeda in ay gacan deg deg ah u fidiyaan dadka dhibayaasha u ah cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo dadweynihii uu la kulmay gaar siiyey salaan uu ka wadey madaxda Qaranka.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online