Wasiirka Gaashaandhigga Gen.C/qaadir Diini oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan DFS. [Masawiro]

September 3, 2015 - Written by Editor

MG_8300Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen.C/qaadir Sheekh.Cali Diini, ayaa maanta tababar u soo xirey Cutubkii labaad ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya oo laylis ciidan ah loona tabobarayay Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo tabobartay dawladda Emiraadka Carabta. Waxana Munaasabadda xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ka qeyb galay Xubno ka socday labada gole ee Dawladda iyo Saraakiisha Ciidamadda Qalabka Sida.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa sheegay Ciidamadani in ay kaalin wax ku ool ah ka geysan doonaan dhismaha Ciidan qaran ee huffan oo dheeli tiran, isla markaana ku shaqeynaya wadaniyad, wuxuna mahadcelin u jeediyey dawladda Imaaraadka Carabta ee iyadu tababarka bixisay.

“Tabobarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas raaciyey Dawladda Soomaaliya muhiimadda koowaad in ay siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeyana ka baxsan eex iyo cid gooni ah.

Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa xusay in dowladda Imaaraadku mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Qalabka sida tababar iyo taakuleyn joogto ah.

Isagoo mahad balaaran u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.  “Waxaa la idinka doonayaa inaad shacabka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan isla markaana aad dhowrtaan xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin.

Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin”” ayuu yiri Wasiir Diini.

no images were found

—DHAMMAAD—

 

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online