Xaflad qalin jabin iyo Ijaaza Quraan oo uu qabtay Masjidka Sahab ee magaalada Edmonton.[Masawro]

September 9, 2015 - Written by Editor

DSC_0087Edmonton :-Waxaa maalintii axada oo ay taariikhdu ahayd September 6, 2015 lagu qabtay xaflad qalin jabin iyo ijaazada Quraanka kariimka ah oo la guddoonsiiyay Saddex gabdhood oo macalimiinta iyo ducaadda magaalada Edmonton aad looga jecel yahay ka mid ah , soona saaray jiilal badan iyo arday mudan ku dayasho wacan.

Xafladdaas oo aad loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo ku nool magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda. Waxaa sidoo kale xafladdaan lagu guddoonsiiyay Shahaadooyin Todoba arday oo ka mid ah wiilasha dhigta madarasada Masjid ka saxaaba oo dhammaystay xifdinta matniga Kitaabka tuxfatul adhfaal ee laga barto Cilmiga Tajwiidka Quraanka.

Xafladda waxaa lagu daah furay Quraanka kariimka ah oo uu akhriyay Qaari Sh.Cabdulqaadir oo ah imaamka Masjidka weyn ee Saxaaba ee magaalada Edmonton.Intaas ka dib waxaa Microfoonka daadaheeyay xiriiriyaha Xafladda al akh Sheekh Bashiir Sh. Cali oo ka warramay habsamadi u socodka iyo muhiimadda ay leedahay munaasabadaan oo kale kuna soo dhaweeyay gacmo furan dhammaan dadweynihii, waalidiinta iyo ardadi kasoo qayb gashay Xafladdaas sharafta leh.

Ka dib waxaa muxaadaro ku saabsan Ahmiyadda iyo weyneynta Quraanka Kariimka ah soo jeediyay Sh.Dr. Maxamed Sh. Cabdullahi oo ah sheekha magaalada Edmonton , Alberta, Canada.

Xafladdaani waxay kulansatay oo ay kaga duwaneyd munaasabadaha kale ee qalin jabinta Quraanka in la guddoonsiiyay Shahaadada Quraanka kariimka ah Xifdintiisa oo ay weheliso siismada Ijazada Sanadka leh oo uu warrinayo Xafs kanasoo Wariyay Caasim oo taxan ilaa laga gaaro Rassuulkeenni Sallallahu Caleyhi Wassalam.

Ijaazadaas oo ay ku guuleysteen Saddexda gabdhood oo kala ah, Canab Maxamed Maxamuud, Nuuro Cabdi Guuleed iyo Maryam Sheekh Bashiir , waxay hoos fadhiyeen oo ku dul akhriyeen muddo labo sano ah Sheekhooda Sheekh Cusmaan Xaji Madad oo Ijaazado ku haysta Cilmiga Qiraa’aadka ee Quraanka kariimka ah.

Sidoo kale waxay gabdhahaas oo mudan ku dayasho dadaalka dheeraadka ah ee ay muujiyeen marka la fiiriyo cimriga ay ku jiraan iyo iyaga oo ah maamooyin oo ay u dheertahay hawshi guriga ayay waliba ku guuleysteen inay labo shahaado/ijaazo oo kale ay ku qaateen; matniga muqaddamada kitaabka Jazzariyada iyo matniga kitaabka tuxfatul adhfaal ee laga barto Cilmiga Tajwiidka Quraanka.

Sheekh Cismaan Xaji Madad ayaa xafladdaan barakaysneyd kasoo jeediyay muxaadaro aad loo dhuuxay( with PowerPoint) oo ku saabsanayd sida uu nagu soo gaaray iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray diwaan gelinta Quraanka Kariimka ah.

Ka dib wuxuu sheekhu ka warramay Juhdigi iyo rixladii dheereyd ee ay gabdhahaan maanta qalin jabiyay isla soo mareen oo gaaraya dhowr iyo toban sano oo isugu jira ilaa xilligi ay ku wada noolaayeen magaalooyinka Vancouver iyo Edmonton .

Ugu danbeyn waxaa Ardadi ka Qalin jabisay Xifdinta iyo Ijaazada Quraanka la guddoonsiiyay Shahadooyin iyo Agab gala duwan.Waxaana Xafladdi Dardaaran iyo Duco kusoo gunaanaday Sheekh Cismaan Xaji Madad. Baarakallahu Fiikum,
Maamulka Masjidka Sahaba.

no images were found

Edmonton, Canada , info@sahabamosque.com
www.sahabamosque.com

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online