Xafladda qalin jabinta dufcadddii 7aad ee machadka Al-furqan oo ka dhacday Laascaanood.[Masawiro]

September 6, 2015 - Written by Editor

shaaLaascaanood:-Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa maalinimadii Axadda waxaa ay ka dhacday Machadka Al-furqan ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool , xafladaan ayaa u jeedkeedu waxaa uu ka dib markii Machadka Al-furqaan ay  ka qalin jabiyeen dufcaddii 7aad ee ka baxda machadka sanad dugsiyeedka 2014-2015 .

Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulashada ,maamulka, macalimiinta machadka, midowga ardayda ka baxday machadka, culimada gobolka,iyo waliba maamulka jaamacadda Nugaal ,waxana ugu horeyn halkaasi ka hadlay maamule ku-xigeenka machadka alfurqaan Sh.bashiir Ibraahim Sugulle isagoona sheegay u jeedada loo soo qaban qaabiyey xafladdan qiimaha badan taas oo ah mid lagu dhiirri gelinayo ardaydii mudada saddexda sano ah soo watay aqoon tooda isla markaana lagu boorinayo inay sii wataan waxbarashadooda.

Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka baxday Machadka dufcadan iyagoona ay ka muuqanayso dareen farxadeed iyagoo mahad balaadhanna u soo jeedi yey maamulka iyo macalimiinta machadka ayna sheegeen inay in badan sugayeen maanta oo kale aqoontoodana sii wadan doonaan.

Dr Axmed Jaamac Ismail Mire oo ah hormuudka kulliyadda shareecada iyo daraasaadka islaamka ee jaamacadda Nugaal ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ardaydan baratay culuumta shareecada iyo carabiyada,ka jaamacad iyo kuliyad ahaanna ay soo dhawaynayaan una diyaariyeen manhajka jaamacadda Madiina oo dhamaystiran iyo waliba diploma sare oo fiqhi ah,qaar kalena ay soo wadaan.

Mushrifka guud ee machadka alfurqan lascanod Sheekh. C/naasir Xaaji Axmed Yusuf oo isna xafladda ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey maamulka machadka iyo ardaydaba munaasabadani isagoona ku booriyay inay u guntadaan u jeedadii Machadka loo aasaasay oo ahayd faafinta diinta islaamka iyo cilmiga.

Ugu dambayna ardaydani oo ka koobnaa 167 arday ahna 83 wiil iyo 84 hablood ayaa waxa la gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii ay mutaysteen.

no images were found

Ahmed Said
Xafiiska Maamulka Machadka Al-furqaan
lascanod, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online