Xafladda Qalinjabinta dufcadddii 7aad ee Machadka Al-Furqaan laascaanood (Masawiro)

September 5, 2015 - Written by Editor
6xaflad si weyn loosoo agaasimay ayaa maalinimadii axadda  ka dhacday  machadka alfurqan lascanod taas oo ay ku qalan jabinayeen dufcaddii 7aad ee ka baxda machadkaasi sanad dugsiyeedka 2014-2015 .
xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulashada,maamulka iyo macalimiinta machadka,midowga ardayda ka baxday machadka, culimada gobolka,iyo waliba maamulka jaamacadda Nugaal ,waxana ugu horeyn halkaasi ka hadlay maamule ku-xigeenka machadka alfurqaan sh.bashiir ibraahim sugulle isagoona sheegay ujeedada loosoo qabanqaabiyey xafladdan qiimaha badan taas oo ah mid lagu dhiirri gelinayo ardaydii mudada saddexda sano ah soo watay aqoontooda isla markaana lagu boorinayo inay siiwataan waxbarashadooda.
waxa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka baxday machadka dufcadan iyagoona ay ka muuqanayso dareen farxadeed,mahad balaadhanna usoo jeediyeen maamulka iyo macalimiinta machadka. ayna sheegeen inay inbadan suugayeen maalintan,aqoontoodana sii wadan doonaan.
dr axmed jaamac ismaaciil mire oo ah hormuudka kulliyadda shareecada iyo daraasaadka islaamka ee jaamacadda NU ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ardaydan baratay culuumta shareecada iyo carabiyada,ka jaamacad iyo kuliyad ahaanna ay soo dhawaynayaan una diyaariyeen manhajka jaamacadda madiina oo dhamaystiran iyo waliba diploma sare oo fiqhi ah,qaar kalena ay soo wadaan.

no images were found

mushrifka guud ee machadka alfurqan lascanod sh.c/naasir x.axmed yuusuf oo isna xafladda ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey maamulka machadka iyo ardaydaba munaasabadani,isagoona ku booriyay inay faafiyaan ujeedadii machadka loo aasaasay oo ahayd faafinta diinta islaamka iyo cilmiga.
ugu dambayna ardaydani oo ka koobnaa 167 arday ahna 83 wiil iyo 84 hablood ayaa waxa la gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii ay mutaysteen.
Ahmad Said
Xafiiska Maamulka Machadka Al-Furqan lascanod

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online