Xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo qoraal soo saaray (Akhriso)
September 7, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee dhowaan mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray warmurtiyeed ay kaga jawaabayaan go’aan ka soo baxday xafiisak Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari.
Warsaxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha DFS ayaa eedeyn u soo jeediyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS iyaga oo sheegay in nuu sharciga iyo dastuurka DFS uu ku xadgudbay.
Qoraalka ay soo saareen xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha DFS ayaa ku baaqay in mooshinka la waafajiyo Dastuurka DFS.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in mooshinka laga keenay Madaxweynaha DFS ee loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka iyaga ku baaqay in maxkamada loo badalo Maxkamad dastuuri ah si xal looga gaaro mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.
Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha DFS no images were found
A/Cawale
Halgan.net