15 Soomali Tahriib ah oo ku dhimatay magaalada Kasama ee dalka Zambia (Masawiro)

June 16, 2016 - Written by Editor

IMG-20160616-WA0000Zambia:-Wararka ka imaanaya dalka Zambia ayaa sheegaya in Soomaali gaareysa 50 oo Tahriib ah laguna soo qaaday dhinaca danbe ee gaari Xamuul ah kaas oo ka yimid magaalada Kasama ayaa markii uu marayey Levy Mwanawasa Bridge in Chembe District waxaa naqaska ku xirmay 15 qof oo ka mid ah 50 kii gaariga xamuulka lagu soo qaaday kuwaas oo geeriyooday.

Ciidanka Booliska ee dalka Zambia ayaa markii ay qeyliyeen Soomaalidii kale waxaa lagu amray darawalkii in uu furo gaariga xamuulka waxaana ay ciidanka Booliska ka soo saareen 15 qof oo meyd ah iyo 35 kale oo naf la caari ah.

Ciidanka Booliska ee dalka Zambia ayaa xabsiga dhiga Darawalkii iyo 35 qof ee Soomaalida ahaa waaa Musiibo kale in Dhalinyaradii Soomaaliyeed ku dhintaan Tahriib mar kale iyaga oo nolal doon ah.انالله وانا اليه راجعون

Alaha u naxariisto Dhamaan 15 qof ee u badan Dhalinyaro oo ku dhimatay magaalada Kasma ee dalka Zambia.

no images were found

Dhalinyarada Tahriibka ah ee ku dhimatay  magaalada Kasama ee dalka Zambia waxay ka imaadeen dalka Tanzania waxay ku siijeedeen dalka SoutAfrika .Masuuliyada Soomaalida Muslinka ah ee ku le,anaysa Tahriibka waxaa alle weydiin doonaa kuwa dalkooda u diiday in uu dego iyo kuwa Masuuliyada u haya Soomaaliya.

Wargeyska Lusaka Time oo wax ka qoray 15 Soomaalida Tahriibka ee ku dhimatay Zambia Halkan ka Eeg

Halgan.net
Zambia

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online