Ciidanka DFS oo sheegay in ay soo afjareen howl galkii Hotel Ambassador.
June 2, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada DFS gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay soo afjareen howlgaladii ay ka wadeen Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
Howlagalada ka socday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka wada qeyb qaatay Ciidada nabadsugida ee NISA iyo kuwa Gaashaan waxaana ay howlgaladu qaaateen mudo dhan 14 Saacadood.
Weerarka Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 38 qof waxaana ku dhaawacmay 70 kale sida ay xaqiijiyeen xarumaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Taliyaha NISA C/raxmaan Tuur Yare oo tagay Hotelka Ambassador waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen sidii uu dhacay weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.
Hoos ka Daawo Masuuliinta DFS oo warbixinaya weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador
A/Cawale
Halgan.net