Kooxda Al-Shabaab oo Kismaayo ku dilay Sheekh horey uga Goostay (Daawo)

June 2, 2016 - Written by Editor

Sh.-dalabKismaayo:-Kooxda Amniyaadka ee ka tirsan Alshabaab ayaa shalay ku dilay gudaha magaalada Kismaayo Allaha unaxariistee Sh Cabdullaahi Sheekh Maxamed Dalab oo horay uga mid ahaa kooxda Al-Shabaab balse markii danbe ka goostay markii uu arkay Afkaartooda guracan ee Islaamka ka fog.

Sheekh Cabdullaahi Sheekh Maxamed Dalab ayaa ku noolaa baryihii danbe magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana ay shalay Al-Shabaab ku dileen agagaarka isgooyska balcad gaar ahaan agagaarka xafiiska shirkada diyaaradaha ee Blu Sky.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ragii dilay alaha u naxariistee Sheekh Cabdullaahi Sheekh Maxamed Dalab.

Warbaahinta Al-Shabaab oo ku caan baxday been abuurka ayaa sheegtay in Sheekh Cabdullaahi Sheekh Maxamed Dalab in uu ahaa sarkaal ka tirsan Maamulka Juba land taas oo xaqiiqada ka fog.

Hoos ka Daawo Sheekh Cabdullaahi Sheekh Maxamed Dalab oo ka waramaya Afkaarta Guracan ee kooxda Al-Shabaab xiligii uu ka Goystay isaga oo wareysi siiyey Tv SNTV .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online