Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Gaas Garoowe Lagu Soodhoweeyey.[Masawiro]

June 9, 2016 - Written by Editor

IMG_0773Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo  maanta 9-June-2016 kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa soo  gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Konooko kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta  ugana warbixiyey safaradiisii kala duwanaa ee uu ugu maqnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Abudhabi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii madasha wadatashiga qaran ee uu Muqdisho kaga qayb galay si qoto dheer loogu lafo guray aayaha Soomaaliya iyo halka looga dhaqaaqi doono meesha hadda la joogo isla markaana uu ahaa mid guul kusoo dhammaaday, uuna rajeynayo shirarka soo socda in ay kasoo baxaan wax dan u ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in safarkiisii uu ku tegey magaalada Abudhabi ee xarunta waddanka isu tagga Imaaraadka Carabta  uu la xiriirey iskaashiga dhinaca ammaanka ee dawladda Imaaraad Carabta iyo dawladda Puntland iyo iskaashiga dhinaca mashaariic horumarineed  iyo maalgashi.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa geesta kale Baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka dharkayn geenyo ee gobolka Sool, waxaana uu ugu baaqay cuqaasha iyo  wax garadka deegaankaasi in ay ka qayb qaataan  soo afjaridda shaqaaqada dhexmartay dadka walaalaha ah ee wada deggan deegaankaasi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyeeyey geerida ku timi marxuumad Dhudi Yuusuf Aadan oo ahay guddoomiyihii ururka Haweenka gobolka Mudug oo xalay Maqribkii ay  kooxda alshabaab   toogteen gurigeeda, waxaana uu ilaahay uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee ay ka baxday.

Uga dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa  sheegay in kooxda alshabaab ay yihiin kuwo ku caan baxay in ay laayaan dadka maatida ah marka lagu jebiyo goobaha dagaalka, taa beddel keedana ay dawladda Puntland ugu jirto heeggan buuxa, tallaabo sharci ahna laga qaadi doono kuwii ka dambeeyey falkaasi iyo falalka lamidka ah ee ay argagixisadu la beegsanayaan biri-mageydada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in xabsiyada Puntland ay buux dhaafiyeen maxaabiista laga soo qabqabtay kooxaha sharwadayaasha alshabaab isla markaana ay ciqaab adag la kulmi doonaan  maadaama ay yihiin kuwo ku caan baxay in ay miirtaan dhiigga shacab Soomaaliyeed.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online