Ra’iisul Wasaaraha DFS oo cambaareeyey weerarka hotel Ambassador, kana taciyadeeyey geerida xildhibaanada

June 2, 2016 - Written by Editor

sharmakeMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Xuseen (Kabaweyne) iyo xildhiibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, waxa uuna alle uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.

“Weerarkani qasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaareen shacab maati ah, maadaama goobta la beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

“Weeraradan ma hakin doonaan horumarka iyo nabadda dalka, waxaana farayaa hay’addaha amnigu inay sii laban laabaan sugida amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixsada” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online