Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay arday ka qalin jebisay Machadka Ibnu Taymiya (Masawiro)

June 4, 2016 - Written by Editor

1(1)Carmo:-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamusayo arday ka qalin jebisay Machadka Ibnu Taymiya ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa lagu qabtay isla xarunta Machadka, xafladdaan oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda qalin jebenaysa oo ah Dufcaddii kowaad ee ka baxda Machadkan tiradooduna dhan tahay 13 arday ayaa waxaa kasoo qayb galay Maamulka Degmada Carmo, Mas,uuliyiin kasocotay Jaamacadda Bariga Africa, Guddoomiyaha Raabidada Macaahidda Heer Puntnland ,Boarka Machadka, Culimaa udiinka iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Ugu horrayn waxaa goobta ka hadlay Maamulaha Machadka Ustaad Cabbaas Maxamed Khaliif oo ka warbixiyey Machadka iyo marxaladihii uu soo maray, isagoo hambalyo udiray ardaydan qalin jebisay wuxuuna ku booriyey ardayda in ay horay usii wadaan wax barashadooda, wuxuu kaloo maamuluhu sheegay in Machadka lagu soo kordhiyey qaybta barashada Cunto karinta.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay C/raxmaan Aw Ciise Muuse oo ku hadlay magaca Boarka Machadka, isagoo tilmaamay guusha uu gaaray machadku iyo inay dadbadan ku ahayd lama filaan in arday intan la,eg machadka kasoo baxdo markii kowaad, isagoo ugu hambal yeeyey ardayda heerka ay soo gaareen ,sidoo kale wuxuu tilmaamay in Machadku aqoonsi ka haysto Jaamaccadda Bariga Afrika iyo Raabidada macaahidda Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in machadku u baahan yahay Dhisme isaga u gaara, isagoo dadkana ku booriyey in ay arrintaas u istaagaan.

Ustaad Jaamac Ciise Maxamuud oo ku hadlayey Magaca Jaamacadda Bariga Africa ayaa si diirran u soo dhoweeyey ardayda qalin jebisay, isagoo goobtana kaga dhawaaqay in ardaga ugu sarreeya jaamacaddu siin doonto wax barasho bilaash ah, taasoo aad loogu riyaaqay.

Gudoomiyaha Raabidada Macaahidda Puntland Ustaad Axmed Faarax Garaase oo khadka telifoonka kaga qayb galay xafladda ayaa dhankiisa si kal iyo laba hambalyo ugu diray, wuxuu kaloo tilmaay in uu goobjoog u ahaa furitaankii Machadka , isla markaasna ay aqoonsan yihiin Machadka ka Raabiddo ahaan.

no images were found

Ugu dambayntii waxaa xafladda soo xiray Maxamuud Dhakuul oo ku hadlay afka Maamulka Degmada Carmo, isagoo tilmamay in uu ka mid ahaa ardaydii Machadka lagu furay hase ahaatee uu mashquulay kana haray saaxibadiisa maantay qalin jebinayaa, uuna jeclaan lahaa in uu maantay ka mid ahaado qalin jebiyaasha, hase yeeshee uu dib u bilaabidoono wax barashada haddii alle idmo.

Ardaydan oo tiradoodu dhammay 13 arday ayaa wajigooda waxaa ka muuqatay farxad iyo rayrayn.

Carmo
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online