Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug oo xil ka qaadis ku sameeyey Madaxweynaha Gal-Mudug
January 10, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Gal-Mudug Xareed Cali Xareed ayaa saxaafadda u sheegay in Xildhibaanada maamulka Gal-Mudug ay xil ka qaadis ku sameeyee ka dib markii mooshin laga keenay Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdi kariim Guuleed.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa xusay in xldhibaano dhan 54 xubnooda ay ka keeneen mooshin Madaxweynaha Gal-Mudug ka dibna laga dooday loona codeeyey ka dibna ay natiijadii ay noqotay in Xildhibaanada Gal-Mudug ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Gal-Mudug si ku meel gaar ahna ay xlka ugu dhiibeen Madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug.
Xil ka qaadistay ay Xildhibaanada Gal-Mudug ay xilka uga qaadeen Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariim Guuleed ayaa laga baqayaa in ay abuurto xasilooni daro siyaasadeed oo laga cabsi qabo in ay ka dhex abuurto golayaasha maamulka Gal-Mudug.
Warka oo faah faasan dib ayaan idinakaga soo gudbin doonaa insha Allaah
A/cawaale
Halgan.net