Ciidamada Puntland oo tegay deegaan lagu afduubay dad saarnaa gaari xamuul ah ka yimid degmada Qandala.[Dhagayso]
January 28, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxammed (Quurshe) oo la hadlay saxaafadda ayaa beeniyay warar lagu baahiyey saxaafadda Soomaalida qaarkood gaar ahaan Idaacadda VOA oo sheegtay in askar ka tirsan Ciidanka Puntland ay afduub u geysteen kooxdii Daacish dhawaan degmada Qandala ay ka saareen Ciidanka dowladda Puntand.
Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxamed ayaa sheegay in uu jiro gaari xamuul ah oo siday Beeyada Meydiga la yiraahdo loona waday magaalada gacansiga ee Boosaaso waxaan gaarigaan xamuulka ah lahaa ayuu yiri ganacsato reer Qandala ah mana jir wax ciidan ah oo dhacdadaas lagu afduubtay.
Kooxda Afduubka u geystay qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ayaa waxaa ku soo baxay ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugaa degmadda Qandala balse ma aysan helin kooxdii falkaan u geystay ganacsatada reer Qandala oo weli ay baadi goobooda ay ugu jiraan ciidanka Puntland.
Gaariga xamuulka ah ee la afduubay ayaa waxaa uu marayey meel u jirta 30 KM degmada Qandala ee gobolka Bari waxaana afduubay kooxdii Daacish dhawaan degmada Qandala ay ka saareen Ciidanka dowladda Puntand.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxammed (Quurshe)
M_M_Deeq
Halgan.net