Iska horimaad kooban oo ka dhacay degmada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud
January 17, 2017 - Written by EditorCadaado:- Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud oo xarun KMG u ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegay i iska horimaad hubaysan uu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Nabad Sugida iyo Booliska Gal-Mudug. Iska horimaadka ayaa waxaa uu sabab u ahaa ka dib markii ciidamo ka tirsan nabadsugida oo taageersan madaxweyaha maamulka Gal-Mudug Cabdikariim Guleed oo doonayey in ay is hortaag ku sameeyaan Xildhibaano ka tirsan maamulka Gal-Mudug oo doonayey in ay qabsadaan kulan iyadoo Ciidanka Booliska Gal-Mudug ay ilaalo u ahaayeen Xildhibaanada taasna ay sababtay isku dhaca labada ciidan.
Isku dhaca labad ciidan ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 4 askari uu ka tirsan ciidanka Nabad sugida halka Ciidanka Booliska Gal-Mudug ay ka dhaawacmeen 3 askari. Waxgaradka ku dhaqan degmada Cadaado ayaa ku guulaystay in ay kala dhex galaan ciidamada uu isku horimaadka hubaysan uu dhexmaray.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Cabdikariim Guuleed iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Gal-Mudug ayaa gaaray meel xasaasi ah ilaa iyo intii ay Xildhibaano gaaray ilaa 54 Xildhibaan ay sheegeen in ay xilkii Madaxweynanimo ee Gal-Mudug ay ka qaadeen Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariim Guuled walow uu arrinkaas ku tilmaamay mid aan si sharci ah loo marin.
A/cawaale
Halgan.net
.