Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digay xil ka qaadista Madaxweynaha Gal-Mudug
January 10, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Gal-Mudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro. Madaxwweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Gal-Mudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Gal-Mudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.
—-DHAMAAD—–