Madaxweynaha Gal-Mudug oo sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Baarlamaanka Gal-Mudug.[Dhagayso]
January 10, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Dowlad Goboleedka Gal-Mudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay samey steen dad weynaha ree Gal-Mudug. Maamulka Gal-Mudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka ree Gal-Mudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Gal-Mudug , maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan ma jiro, sida kucad warmurtiyeedka uu soo saaray 5tii Jan, 2017.
Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Gal-Mudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Gal-Mudug.Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.
Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Gal-Mudug Abdikariim Guuleedoo ka hadlay xil ka qaadis lagu sameeyey.
[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/01/Cabdi-kariin-.mp3]Xafiiska Madaxweynaha
Dowlad Goboleedka Gal-Mudug