Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland oo beeniyey in uu ku biiray Maamulka S/land (Dhageyso)
January 3, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dawladda Puntland Jen, Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta la hadlay saxaafada waxaana uu si adag u beeniyey wararka sheegaya in uu ku biiray mid ka mid ah xisbiya ka jira S/land gaar ahaan Xisbiga Wadani .
Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland Jen Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in arimo caafimaad uu u tagay dalka Hindiya wuxuuna sheegay in soomaalida aan kala maarmin ayna yihiin xidid iyo Xigaal.
wuxuuna mahad u celiyey dhamaan Maamulka S/land iyo hogaanka xisbiya sida ay ugu soo dhaweeyeen Hargeysa.
Jeneraal Cabdisamad Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland ayaa sheegay in uu Hargeysa u joogo arimo u gaara isaga wax siyaasad ahana uusan u joogin S/land.
Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland ayaa mar uu wareysi siiyey Radio Garoowe waxaa uu sheegay in uu dhawaan ku soo laaban doono magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Hoos ka Dhageyso Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland Jen Cabdisamad Cali Shire oo beeniyey in uu ku biiray S/land.
M_M Deeq
Halgan.net