Madaxweynihii hore ee DFS Sh Shariif Sh Axmed oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

January 18, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sh.Shariif Sh. Axmed oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynanimada Soomaaliya oo ku soo laabtay magaalada Muqdisho waxaan uu la hadlay saxaafadda isagoo  eed u soo jeediyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed  ayaa waxaa kale oo ka hadlay amaanka guud ee magaalada Muqdisho waxaan uu xusay in amaanka guud ee Muqdisho uu yahay mid  aan la isku halayn karin.

Dhinac kale Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sh.Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu rajo weyn ka leeyahay in uu ku guulaysto in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dowladda soomaaliya oo dhawaan lagu tartami doono.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto talada dalka Soomaaliya uu dhisi doono Ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh  si bulshada Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad gelyo iyo amni. Ugu danbayntii ayaa Madaxweynihii hore ee DFS Sh Shariif Sh Axmed waxaa uu ugu baaqay shacaba Soomaaliyeed in ay u istaagaan in ay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu halakeeyeen

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online