Musharax Dr. Cali Xaaji oo walaac ka muujiyey dhalinyaro laga soo celinayo wadamada Norwey iyo Maraykanka
January 25, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Sidaan ognahay mudo dheer dhalinyarada soomaaliyeed waxa haysatay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen shaqo la’aan, nabadgelo xumo, daryeel xumo iyo ayagoo aan helin dawladii keeni lahayd sidii dhalinyaradaas loo daryeeli lahaa, taas oo ay u sii dheer tahay xagjirnimo iyo burcad badeed inay ka badbaadaan, Sababtaas awgeed ayaa dhalinyaro badan ay ku kaliftay in ay naftooda badbaadiyaan ayna u cararaan wadamada dibadaha gaar ahaan wadamada reer yurub iyo Ameerika, Qaar badan oo ka mid ah waxay naftooda galiyeen halis iyagoo tahriib ku maray badda.
Dhaliyaraas dhibka faraha badan ku haysay wadanka oo si aad u adag ku gaaray wadamo ay ka mid yihiin Norway iyo Maraykanka ayaa dawladahaas u sheegeen in ay ku celin doonaan Soomaaliya, dhalinyaradaas qaar ka mid ah sida ay sheegeen dawladda Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay dawladahaas in lasoo celiyo.
Hadaba, Anigoo ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Warsame, Waxaa I damqiyey oo dareenkayga soo jiitay in aan ka hadlo dhibaatada ay sheeganayaan dhalinyaradaas loo gafay oo xuquuqdoodana lagu tuntay, waxaana soo jeedinayaa qodobadaan.
1- Dawladaha Norway iyo Mareekanka in aysan kusoo celin dhalinyardaas soomaaliya, maxaa yeelay soomaaliya hadda kuma haboona in dadka ka qaxay lagu soo celiyo maadaama dhibaatadii ay kasoo carareen markii hore ay wali ka jirto, ayna dhalinyadaas hayaan ilaa iyo inta laga helaayo Dawlad dalka kusoo celisaa Nabaddii iyo Noloshii badbaadin lahayd dhalinyaradaas.
2- Dawlada Soomaaliya waa in aysa ogolaan in dhalinyaradaas lasoo celiyo waqtigan maadaama aysan kafaalo qaadi Karin
3- Waxaan dawladda Soomaaliya u soo jeedinayaa in ay Joojiyaa dhalinyarada maalinwalba tahriibayo oo la wada ogyahay in dadka wax tahriibiyaa ay xafiisyo ku leeyihiin Caasimadda iyo meelo kale oo wadanka ah.
Wabilaahi Tawfiiq
(DIB U HANASHO HAYBAD QARAN)
—
Ali Haji Warsame Presidential Campaigning Team (awpct)
Mogadishu, Somalia
Email; ahwpct@ggmail.com
Tweeter: @ahwpct
Tel; 00252 612482620