Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii lagu qaaday Hotel Dayax ee Muqdisho.[Masawiro]
January 25, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubaysan oo watay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay weerar la bartil maamsadeen Hotel Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho. Hotel Dayax oo ilaalo xooggan ay joogtay ayaa waxaa uu dagaal dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday ka dib markii ay kooxda weerarka soo qaaday ay gaariga miinaysan ay ku dhufteen Irida Hotel Dayax ee ay ka agdhawaayaan goobo ganacsi.
Kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaan si aan ku helnay ilo lagu kalsoon yahay aysan u suuroobin weli in ay gudaha u wada galaan Hotelka Dayax oo ay deganaayeen Xildhibaano ka trsan labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Musharaxiin u tartamaya xilka Madaxweynanmada Soomaaliya.
Weerarka lagu qaaday Hotel Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka agdhawaa Hotelka iyo kuwii ku sugnaa banaanka hore ee Hotel Dayax waxaan ku jira odayaal dhaqan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Weerarka Hotel Dayax ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Malaaq Malabow Malaaq Isaaq iyo Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan in ay ku dhinteen weerarkaasi sidda uu saxaafadda u sheegayMalaaq Deerow oo ka mid Issimada Koofur Galbeed. Malaaq Cabdi rashiid Malaaq Cabdisalaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa 135 Oday Dhaqameed ee Beelaha Soomaaliyeed ee wax ka soo xulay Xldhibaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
no images were found
Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegay in Hotel Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ay kulan ku lahaayeen Xildhbaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed , odayaal iyo weliba gudiga ololaha doorashada u qaabilsan Ra’iisul wasaaraha dowladdda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
A/cawaale
Halgan.net
+ Source Radio Kulmiye
[Masawirada]