Al-Minhaaj faraceeda Gobolka Bari oo kulan cilmiyeed u qabtay Ardayda dugsiyadda sare ee magaalada Boosaaso.[Masawiro]

February 3, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Kulan aqoonedkan loo qabto kamid ah ardayda dugsiyada sare ee magalada bosaso ayaa ah mid laqabto xilliga fasaxa teeramka. Ayadoo ay kasoo qayb galeen ku dhowaad 5School iyo in ka badan 75 arday oo isugu jira wiilal iyo hablo una badan gudiyada ardayda . Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Mu’sasada al-minhaaj ee dacwda iyo horumarinta faraceda g.bari ayaa qaatay Muddo Afar beriya ayadoo ay ardaydu ku qaateen Casharro ay kamid ahaayeen:Habka ugu fiican ee ardygu Guul kaga gaadhi karo wax barashada Qaabka loo maamulo waqtiga. Dhalinta iyo kalintooda isbadalka. Iyo shiicada iyo xaqiiqdeeda Casharada ayaa waxaa bixinayay dakaatiro iyo Culumo kala duwan oo ay kamid ahaayen Sh.Maxmed Macallin Axad Dr.Bashiir warsame  , Dr.Maxamed Fahiye Ciise iyo Ustad Muniir Sh.C/laahi .

Dhanka kale ardayda ayaa ayana kaalin muuqata kulahaa Kulankan Ayagoo loo qaybiyay koox koox loona diray shaqooyin kala duwan haday ahaan lahayd cilmi baaris, Curin iyo kuwo kale.

Isku soo wada duuboo kulan aqonedkan oo ahaa mid ay ardaydu u riyaaqday ayaa Subixii taladada ahyd ee ku astaysnayd tarikhdu 26/1/2017. Waxaa lagu soo Gunaanaday Magalada Bosaso. Xaflad balaaran oo ay kasoo qayb galeen haldoorka bulshadu ayaa lagu qabtay hoolka akadimiyadda tababarada iyo dawraadka ee al-qimmah. Xafldda ayaa ugu horay lagu furay ayado ka mid ah qur-aanka karimka ah. Markaa kedib waxaa hadalka la wareegay gudomiyaha mu’sasada Al-minhaaj qaybteeda gobolka bari Ustad:Xassan Cabdalla Sh. Xassan isagoo War bixin kooban ka bixiyay Kulan aqoonedkan iyo mudadii uu Socday inta arday ee ka qayb gashay iyo casharadii kala duwanaa ee lagu qaatay.

Sh.Faarax Maxamed Cajab ayaa isna ku booriyay dhalinta inay ku dadaalaan wax barashada ka digtonaadaanna wax yaabaha wax u dhimi kara guud ahaan iyo gaar ahaan wax barashadooda iyo arday nimadooda.

Dhinaca kale Sh.Yuusuf Cabdicasiis ayaa isna dhankiisa ugu baaqay dhalinta iska ilaalinta iyo inaysan Naftooda khatar gelin Isagoo Sido kale uga digay dhalinta aafada tahriibka. Cali Cabdow Qaasim oo ku hadlay Afka mamulayasha iskoolada ardaydodu ka qayb qaadatay Kulankan Ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahy Kulankan loo qabtay ardyda isagoo ardaydana ku dhiiri galiyay inay ka faaiidaystaan kulamada noocan oo kale ah. Arday kamida ardaydii Kaqayb gashay Kulan aqonedkan intii uu socday ayaaa isna dareenkiisa ku cabiray Siday ula dhacsan yihiin barnamijkan iyo inay jeclan lahayeen aradydu in marar badan loo qabto kulan aqonedkan oo kale.

Guntii iyo Gunaanadkii ayaa waxaa la shegay kooxii kaalmaha hore ka galay Intii uu socday kulanku. Aydoo halkaa lagu gudoon siiyay Hadiyado iyo jawaais kala duwan. Halka Gabagabdiina Arday walba lagu doonsiiyay Shahado cadynasa inuu ka qayb galay kulankaas.

Isku soo duuboo Ma aha Markii ugu Horaysay ee ay mu’sasada al-minhaaj uqabo Ardayda dugsiyada sare barnaajim noo can ah lkn waa mid soo taxnaa siina socon doona hddii alle idmo.

Mu’sasada al-minhaaj
Boosaas, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online