Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo gaaray magaalada Laascaanood (Masawiro+ Video)
February 16, 2017 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Kahliif Galeyr waxaana uu ka yimid dalka Jabuuti halkaasi oo uu kaga qeyb galay shirka wada hadalada Maamulka Khaatumo iyo Maamulka Somaliland.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa wafdiga Khaatumo uu ka soo degay waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madax ka socta Maamulka S/land ,Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, Kan Degmada Laascaanood iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa magaalada Laascaanood sidoo kale ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Somaliland.
no images were found
Madaxweynaha Khaatumo ayaa u mahad celiyey dhamaan Masuuliintii soo dhaweysay iyo dhamaan dadweynihii soo dhaweeyey.
A/Cawale
Halgan.net