Madaxweynayaasha Kenya , Jabuuti iyo Ra’siul wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho
February 22, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyata ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya si uu ugu qeyb galo xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Wafiga Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyey masuulyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinac kale waxaa isla saaka soo garaay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Jabuut Ismaail Cumar Geele, Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn , Madaxweyne ku xigeenka dalka Sudan iyo wufuud kale oo caalimi ah si ay uga qayb galaan xaflada caleema saarka
Xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa kale oo ka qayb galaya Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka Soomaaliya
A/cawaale
Halgan.net