Madaxweynayaasha Kenya , Jabuuti iyo Ra’siul wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

February 22, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyata ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya si uu ugu qeyb galo xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Wafiga Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyey masuulyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinac kale waxaa isla saaka soo garaay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Jabuut Ismaail Cumar Geele, Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn , Madaxweyne ku xigeenka dalka Sudan iyo wufuud kale oo caalimi ah si ay uga qayb galaan xaflada caleema saarka

Xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa kale oo ka qayb galaya Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka Soomaaliya

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online