Ra’iisul wasaaraha cusub ee JFS oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.[Masawiro]
February 24, 2017 - Written by EditorMuqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta waxaa uu la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, oo isagu soo dhaweeyey magaaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub Xassan Kheyre.
Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar,ayaa xusay in dowladda Ingriiska ay si dhow ula shaqayn doonto Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo welba xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisi doono, Safiirka dalka Ingriisa ee Soomaaliya ayaa sida caadada ahayd waxaa uu sheegay dowladdsu ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaaraysa boqol milyan oo lacagta Igriiska ah si loo gargaaro dadka ay baaruhu halakeeyeen.
Dhinac kale Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa sheegay in dowladiisu ay qaban doonto shir weyne la doonayo in looga hadlo arrimaha dhaqaalah , amniga iyo abaaraha ka jira Soomaaliya ayna ka soo qayb gel doonaa dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya si sooaaliya loogu sameeyo yabooh dhaqaale.
no images were found
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey dowladda Ingriiska taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya isagoona bogaadiya kulan dhexmaray isaga iyo Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la filayaa in kulamo kale duwan uu la qaadan doono safiirada dalal kale ee ku sugan magaaada Muqdisho si taageero dhaqaale loogu raadiyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net