Ra’iisul wasaaraha cusub ee JFS oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.[Masawiro]

February 24, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta waxaa uu la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, oo isagu soo dhaweeyey magaaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub Xassan Kheyre.

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar,ayaa xusay in dowladda Ingriiska ay si dhow ula shaqayn doonto Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo welba xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisi doono, Safiirka dalka Ingriisa ee Soomaaliya ayaa sida caadada ahayd waxaa uu sheegay dowladdsu ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaaraysa boqol milyan oo lacagta Igriiska ah si loo gargaaro dadka ay baaruhu halakeeyeen.

Dhinac kale Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa sheegay in dowladiisu ay qaban doonto shir weyne la doonayo in looga hadlo arrimaha dhaqaalah , amniga iyo abaaraha ka jira Soomaaliya ayna ka soo qayb gel doonaa dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya si sooaaliya loogu sameeyo yabooh dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey dowladda Ingriiska taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya isagoona bogaadiya kulan dhexmaray isaga iyo Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la filayaa in kulamo kale duwan uu la qaadan doono safiirada dalal kale ee ku sugan magaaada Muqdisho si taageero dhaqaale loogu raadiyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online