Wafdi ka socda QM oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose (Masawiro)
February 12, 2017 - Written by EditorMadaxweynaha Dowlad Jubaland ayaa waxaa uu xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu horkacayo Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating
Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira waxaana ay kulan balaaran la qaateen.
Madaxweynaha Jubaland iyo Wafdiga QM ayaa waxay ka wadahadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Amniga ,Abaaraha iyo sidii loo garab istaagi lahaa Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo.
Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh iyo Ciidan Qaran.
no images were found
Dhanka kale Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gacan qabto dowlada Cusub wuxuuna ka codsaday Maamulada ka jira dalka in ay taageeraan Madaxweynaha cusub ee JFS Maxamed C/laahi Farmaajo.
Cabdi Yare
Halgan.net