Wafdi ka socda QM oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose (Masawiro)

February 12, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Jubaland ayaa waxaa uu xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu horkacayo Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating

Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira waxaana ay kulan balaaran la qaateen.

Madaxweynaha Jubaland iyo Wafdiga QM ayaa waxay ka wadahadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Amniga ,Abaaraha iyo sidii loo garab istaagi lahaa Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh iyo Ciidan Qaran.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gacan qabto dowlada Cusub wuxuuna ka codsaday Maamulada ka jira dalka in ay taageeraan Madaxweynaha cusub ee JFS Maxamed C/laahi Farmaajo.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online