Xukuumada JFS oo War murtiyeed ka soo saartay doorashadii Madaxweynaha Galmudug

May 6, 2017 - Written by Editor

Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii Bisha ayaa doorasho 3 Musharax ku Tartameen ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

  1. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.
  1. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.
  2. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.
  3. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.
  4. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

 

—–Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online