Boqortooada Saldanada Cumaan ayaa deeq raashin ah soo gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku nool magaalda Garoowe.[Masawiro]
June 18, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Deeqdaan oo iskugu jirtay Raashinka Noocyadiis kaladuwan Sida Bur/Bariis/Sonkor/Saliid/Timir Iyo Caano Ayaa Imaanaysa Xili dadkaan lagaarsiiyay Ay baahi Weyn U qabeen. Ma ahan Markii ugu horaysay ee deeqdaan oo kale ay cumaan keento balse waa sanadkii sadexaad oo saldanada Cumaan lagarab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed. Madax wakiilka u ah Saldana Cumaan Cabdi Xaafid ayaa kawar Bixiyay Deeqdaan iyo inta goobood oo ay ka qaybiyeen Puntland waxaana uu sheegay in ay raashin u qayb sheen dad kor u dhaafaya 4500 oo qoys.
no images were found
Dhanka kale Maxamed Cabdullahi Cabdulle Madaxa Hay’ada Minhaaj oo iyadu ah Isku Xiraha Guud ahaan deeqdaan Islamarkaana ah Hay’ada Fulinaysay Mashruucaan Ayaaa Umahad Ceshay Saldana Cumaan Iyo Walaalihii Soogaar siiyay Deeqdaan. Ugu Danbayn tii Dadkii deeqdaan gudoomay ayaa U duceeyay Cidwalba oo gacan kagaystay In lasoo Gaarsiiyo Deeqdaan .
Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net Garowe