Caasha C/Casiis Cali Yusuf Keenadiid oo ku geeriyootay galabta magaalada London
June 11, 2017 - Written by EditorLondon:-Waxaa galabta ku geeriyootay magaalada London, Allaha u naxariistee Walaal Caasha C/Casiis Cali Yusuf(Keenadiid). Waxaan tacsi tiraanyo leh u diraynaa dhammaan xigtadii, eheladii, asxaabteedii, gaar ahaan adeer Maxamed Abshir Cumar Ismaaciil, ilmaheedii oo Kala ah Amaal, Libin, Ayaan, Liibaan, Sharmarke, Abshir iyo Ismaaciil. Waxaan kale oo uga tacsiyaynaynaa geeridaas naxdinta leh dhammaan Reer Cabdicasiis, Reer Abshir Cumar iyo Reer Keenadiidba. Waxaan Eebbe uga baryaynaa in uu iyadana Jannadii Firdowsa ahayd ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan inaka siiyo.
Aamiin yaa Allaah
Halgan.net